HOME
Quraanka
Cibaadada & Arkaanta
Alle ka cabsashadiisu waa Furaha Nolosha wanaagsan ee Aduun iyo Aakhiroba
  
News
Islam
Somalitalk
Hiiraan
STN
HornAfrik
Iqra! baro quraanka!
  • Akhlaaq wanaag bay ummadi ku waartaa!



    All Qur'aan, 21:10
    Allaah Sareeye, wuxuu Aayadan Kariimada ah inoogu sheegayaa
    "Waxaa xaqiiq ah in aan idiin soo dejiney KITAAB ay ku jirto SHARAFTIINU
    ee miyaydaan caqli lahayn!"

    Walaalahayga Islaamka ahoow ix xasuusinaynaa inaan wax yar iska dhahno Quraanka kariimka ah kaas oo allaah uu ugu nimceeyey ummada islaamka ah oo aan ka mid nahay haddaan nahay Soomaali kadib markuu Allaah inoo soo diray rasuulkiisii suubanaa nabad gelo iyo naxriis faro badan korkiisa ha ahaatee!


    Waxaana wax sheegid ama waano inoogu fillan Suurad ka mid ah kuwa ugu yar Quraanka waana suurada Al Casri oo Allaah inoo sheegayo sareeye in dadkii dhamaan ay khasaareen illaa afar qaybood ma ahee

    1... kuwa iimaanka leh

    2... Camalka wanaagsanna sameeya

    3... Xaqqa isu dardaarma

    4... Saburkana isu dardaarma.



    Walaalayaal inagoo sii wadan doona Allaah aan ka baqno mar iyo meel kasta.



    Waxaa laga weriyey Amiirul mu'miniin Haaruun Arrashiid in maalin isaga oo Adoon uu lahaa weyso u keeney in uu Biyo kulul Suldaankii madaxa kaga shubay kadibna uu Haaruun aad u Xanaaqay, sida caadiga ah qof walba oo xanuunsaday ama dhibaato loo geysto.
    Kadib wuxuu si kulul kor u fiiriyey Adoonkii oo kor taagan, laakiin Adoonku wuxuu ahaa nin Allaah Diinta baray oo weliba Fahansiiyey!
    Wuxuu yiri Adoonkii:
    WALKAADIMIINA ALQAYDA
    Kuwa caradooda qariya!

    Markaasuu yiri Amiirkii:
    Waan Qariyey Caradaydii,

    Markaasuu Adoonkii yiri:
    WAL CAAFIINA CANI NAAS
    Kuwa dadka iska cafiya!

    Markaasuu Amiirkii yiri:
    Waan ku Cafiyey,

    Markaasuu Adoonkii yiri:
    WALLAAHU YUXIBU ALMUXSINIIN
    Alle wuxuu Jecel yahay Muxsiniinta!

    Markaasuu Amiirkii yiri
    Alle dartiis baan kuu xoreeyey.


    Bal walaalayaal u fiirsada sida ay u fahmeen Diinta Allaah ama Quraanka isla markaasna u dhaqan gelin jireen.

    Akhlaaq Xumona Ummadi way ku duntaa!




    Waxaa halka idiinka muuqda Masjidul Aqsaa iyo Qubbatu sakhar oo ay dadku isku khaldaan isku midna u haystaan waase kuwanaa iyaga oo hal sawir isku mar laga qaaday!

    Arinkan waa in lagu baraarugaa haddii kale iyadoo Al aqsaa la dumiyey baan waxaan iska fiirsanaynaa Qubbada Dahabiga ah!












  • Savesomalia means Save the Kids!
    Soomaaliyeey!
    Jahli baa sidan inoo galaye
    Waxbarta!
    Diinta barta oo Maadada barta!




    Soomaaliya!
    Dhiig bay beeratay markaas bay Dhiig Goosatay!




    Walaalahayga Soomaaliyeed waxaad markhaanti iiga tihiin in qofkii Galey beerta in uu goosan doono Galeey kii Sisin beertaana uu Sisin uun goosan doono kii Hadhuud beertaana sidoo kale.
    Sidaa awgeed haddii aynaan joojin dhiigan dhexdeena ku qubanaaya kama bixi doono dagaaladan inagu raagey, bal u fiirso noolaha mid walbi wuxuu u eg yahay meesha uu ku nool yahay ama waxa uu cuno.
    Shinidu Malab bay ku nooshahay Ubaxana way dul joogtaa mar walba bal hadaba quruxdeeda u fiirso.
    Bal Doorshaanka eeg meesha uu ku nool yahay ama Baranbarada foolxumadoodana kagamaba sheekhayn karo.
    Walaal Qofkii nabad ku nool iyo meel lala yaabo kii wax dila waxaad ku arkaysaa nolol wanaagsan oo lagu farxo, laakiin kii ku nool dil dhac iyo dhiig dhexdiis (sida somalia) waxay iska xaaraantimeeyeen nolo wanaagsan!







  • Wuxuu yiri Rasuulkii Allaah:
    Waxaa dhici doonta in Ummaduhu isugu kiin yeertaan sida ay dadku markay xeero ama saxan wax ku wada cunayaan isugu yeertaan si ay u wadaagaan.
    Waxay dheheen Saxaabadii oo yaabani ilayn waa dad cizi iyo sharaf ku noolaa e:
    Ma yaraan aanu yar nahay baa rasuulkii Alloow?
    Wuxuu yiri Rasuulkii:
    “Bal waadbadan tihiin maalintaas laakiin waxaad tihiin xoor sida daad xoorta oo kale,” waxaa laga siibayaa quluubta cadawgiina inay idinka haybaystaan!
    waxaana idin asiibi doona WAHAN,”

    Waxay dheheen oo waa maxay wahanku?
    Wuxuu yiri: “Waa Aduunyo Jecayl iyo iyo dhimasho necayb”

    Rasuulkeenii suubanaa nabad gelyo iyo naxariis fara badan korkiisa ha ahaatee wuxuu xadiiskan oo ka hadlaaya arin qayb ah inoogu sheegayaa sida ay arini ama xaal noqon doono gadaashiisa ama ay gaaladu uga gacan roonaan doonaan Muslimiinta kadib markay isaga khilaafaan diintaanna ka sii jeestaan.
    Walaalka muslimka ahoow bal ila milicso macnaha xadiiskan iyo sida uu inoogu dhaboobay maanta!